Qaramada Midoobay iyo in ka badan 400 oo haween caan ah oo ka kala socda dunida ayaa ugu baaqay dowladda Iran inay si degdeg ah u joojiso xukunka dilka ah ee lagu riday Zahra Tabari, oo ah 67 jir injineer koronto ah isla markaana u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka.
Zahra Tabari ayaa la xiray bishii April ee la soo dhaafay, iyadoo lagu eedeeyay inay la shaqeysay Ururka Mujaahidiinta Iraan (PMOI), oo ah koox mucaarad ah oo dowladda Iran ay mamnuucday, sida ay sheegeen xubnaha qoyskeeda.
Bishii Oktoobar, maxkamad ku taalla magaalada Rasht ayaa Tabari ku xukuntay dil toogasho ah, kadib dhageysi maxkamadeed oo lagu qabtay xiriir muuqaal ah (video) kaas oo socday wax ka yar 10 daqiiqo, sida ay sheegeen ilo qoyska ka ag dhow.
Qoyskeeda ayaa si adag u dhaleeceeyay xukunka, iyagoo sheegay in uu ku saleysnaa caddeymo aad u kooban oo aan lagu kalsoonaan karin. Caddeymahaas waxaa ka mid ahaa gabal maro ah oo ay ku qornaayeen erayada “Naag, Iska Caabin, Xorriyad”, iyo fariin cod ah oo aan waligeed si rasmi ah loo daabicin.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay habraaca maxkamadeynta iyo xuquuqda aasaasiga ah ee Tabari, iyagoo ku tilmaamay xukunka mid aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah ee caddaaladda.
Ilaa iyo hadda, maamulka Iran kama uusan hadlin baaqyada caalamiga ah iyo dhaleeceynta la xiriirta kiiskan.

