Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka “Iran waa Dawlad Xagjir ah Balse Heshiis ayan la Galaynaa.”

by Heemaaln
1 minutes read

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa yiri ; “Waxaan la macaamilaynaa wadaaddo Shiico ah oo aad u xagjir ah, kuwaas oo go’aannadooda juqraafi-siyaasadeed ku saleeya si buuxda aragti diimeed…Qofna weligiis heshiis guul leh lama gaarin Iiraan, balse annagu waan isku dayi doonnaa.”

Sidoo kalr Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa ka sheegay shirka ammaanka ee Munich in Mareykanku dib isu dhisi doono, ha ahaato Yurub oo la jirta ama la’aantood. Wuxuu si dadban u tilmaamay in nidaamkii caalamiga ahaa ee hore u jiray uusan mar dambe sidii hore u shaqaynayn.

Isla markii uu hadalkan soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa Munich ka sheegay in haddii meesha laga saaro hay’adaha caalamiga ay sida Qaramada Midoobay, dunidu dib ugu laaban karto waxa uu ku tilmaamay xeerka kaynta, halkaas oo kan xooggan uu ku tunto kan tabarta yar.

Labada hadalba waxay muujinayeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan jihada uu u socdo nidaamka caalamiga ah, iyo sida quwadaha waaweyn u arkaan mustaqbalka dunida.