Heemaal News Network

Warbaahinta Caalamka Oo si weyn u Hadal-heysa Doorashada Muqdisho.(Sawirro)

Warbaahinta caalamka ayaa waxaa si weyn u soo jiitay doorashada dadweyne ee maanta ka socota magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu soo dooranayo goleyaasha degaanka gobolka Banaadir.

Telefshinada iyo bogaga warbaahinta caalamiga ah sida Aljazeera, Reuters, TRT, Al Carabiya, daily Naiton iyo qaar kale oo badan ayaa bogagooda hore ku soo daabacay doorashada, halka qaarkood ay si toos u wareysanayaan weriyeyaasha u jooga goobaha laga codeynayo.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa qoraya in magaalada Muqdisho oo looga bartay dagaalo iyo qaraxyo uu dhiig badani ku daatay oo ay ku soo jirtay muddo dheer ay haatan cagta saartay wadadaii nabada iyo guusha ayna shacabku u soo baxeen iney doortaan goleyaasha degaanka Nus qarni ka dib.

Warbaahino kale ayaa qoraya in doorashadan aysan gacan ka geysanin beesha caalamka ayna ku timid isku tashiga dowlada Somalia, waxayna xuseen iney weji cusub oo taariikhi ah u yeeleyso Somalia

Guud ahaan isu socodka ayaa la xanibay caasimadda Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha oo aan wax duulimaad ah ka jirin maanta.

Doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah muddo 50 sano ah ayaa maanta ka socota magaalada Muqdisho, taas oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Codeynta ayaa saaka lixdii subaxnimo ka bilaabtay goobaha codbixinta ee degmooyinka gobolka Banaadir. Ilaa 20 urur siyaasadeed ayaana ku tartamaya doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya oo ka muuqday baraha bulshada ayaa ka mid ah dadka codkooda dhiibanaya. Ilaa iyo 1,600 oo musharrax ayaa tartmaya 390 kursi oo loo kala qaybiyay A iyo B.