Taliyihii hore ee ciidanka xooga ee Afgaanistaan , Mohammad Amin Almas iyo taliyihii hore ee Booliiska Afgaanistaan, Ikramuddin Saree ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday bartamaha caasimadda Iiraan ee Tehraan, halkaa oo ay u qaxeen markii xukunka Afgaanistaan ay la wareegeen Taalibaan, sida ay maanta baahisay warbaahinta Iiraan.
Labadan sarkaal ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa wax loogu yeeray diiwaanka gelinta cabashada saraakiisha iyo ciidankii hore ee Afgaanistaan, tan oo loo qaatay inay iskudayayeen sidii ay dib ugu aruurin lahaayeen askartii hore ee Afgaanistaan, halka ay si adag u dhaleeceyn jireen maamulka Taalibaan.
Sikastaba ha noqotee Illaa hadda ma jirto cid loo qabtay toogashada labadan sarkaal oo la sheegay inay ka dambeeyeen koox aan la aqoonsan.

