M/Ciro Oo Sheegay in Somaliland Diyaar u Tahay Iskaashi amni iyo Dhaqaale Oo lala yeesho Maraykanka

by Heemaaln
2 minutes read

Madaxwayne Ciro Oo Sheegay in Somaliland Diyaar u Tahay Iskaashi amni iyo Dhaqaale Oo lala yeesho Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay iskaashi amni iyo dhaqaale oo buuxa oo uu lala yeesho Maraykanka, isagoo tilmaamay in Somaliland ay ku taallo mid ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) wuxuu sidaas ku sheegay Waraysi uu ku siiyay warbaahinta Breitbart News magaalada Dubai oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kadib markii kaga qeyb galay Shirweynaha Dawladaha Adduunka, ayuu madaxweynuhu tafaasiil ka bixiyay fursadaha Somaliland ee ay iskaashiga uga baahan tahay Maraykanka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu tibaaxay in Somaliland ay leedahay 460 mayl oo xeeb ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, meel u dhow marin-badeedka Bab el-Mandeb, halkaas oo uu maro ku dhawaad 30% ganacsiga adduunku.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bayaamiyay in Somaliland ay leedahay badda ammaan ah, dal ay ka jirto xasillooni siyaasadeed iyo karti ay kula shaqeyn karto dalalka reer galbeedka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ammaanay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo uu ku tilmaamay hoggaamintiisu dib u soo celisay kaslintii Maraykanka ee nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay in dadka Somaliland ay u arkaan Trump “hoggaamiye weyn iyo nabad sameeye,” furdaamiyay dhowr dagaal oo caalami ah,wuxuuna ku dooday in uu hore u soo jeediyay in Trump la siiyo abaalmarinta nabadda adduunka (Nobel Peace Prize).

Madaxweynaha Somaliland wuxuu iftiimiyay in Israel ay 26 December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, taasoo noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qarammada Midoobay ee aqoonsada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in Somaliland Doonayso in iskaashi buuxa ay la yeellato Maraykanka, oo heshiis rasmi ah ay Aqalka Cad ku kala saxeexdaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro wuxuu tilmaamay in Somaliland ay leedahay khayraad dabiici ah oo badan, oo ay ku jiraan oo ay ka mid yihiin;

Macdanta dhifka ah, oo ay ku jirto lithium, Shidaal iyo gaas, Khayraadka badda iyo Xoolaha nool.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in aanay Jamhuuriyadda Somaliland dalbanaynin gargaar, hase yeeshee ay doonayso iskaashi iyo maalgashi ay la yeellato Maraykanka, si loo horumariyo khayraadka iyo macdanta muhiimka u ah caalamka.

Madaxweyne Cirro wuxuu intaas ku daray in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin labada dal oo kala duwan, isagoo xusay in Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991, isla markaana ay qabsatay doorashooyin nabdoon, hay’ado dawladdeed oo shaqaynaya, iyo ciidan u gaar ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay nabad kula nooshahay deriskeeda, gaar ahaan Djibouti iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqay dunida iyo Maraykanka in ay kala saaraan Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay aqoonsadaan fursadaha istiraatiijiga ah iyo khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.