Caawa saacadu markii ay ku beegneyd 6:00 maqribnimo waxaa si rasmi ah loo soo xiray goobaha codbixinta doorashada golaha degaanka gobolka Banaadir Sida uu sheegay Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka oo goor dhow shir jaraaid qabtay
Cod-bixinta oo gaarayey 560 xarumood ayaa la furay saaka 6:00 aroornimo, iyadoo doorashada manta oo aheyd tii ugu horeysay nooceeda muddo 50 sano ah ay si habsami leh uga dhacday 16 ka mid ah 20ka degmo ee gobolka Banaadir.
Doorashada ayaa waxaa si weyn ugu soo baxay inta badan dadkii loo diiwaan geliyey oo ka badan nus milyan qof, waxayna ku soo dhamaatay si nabadgelyo ah iyadoo aan la soo sheegin falal amni daro oo saameeyey habsami u socodka doorashada.
Waxaa weli xiran inta badan wadooyinka caasimada oo sida laamaha amaanku sheegayaan sii xirnaan doona illaa caawa saqda dhexe marka laga reebo gaadiidka ciidamada amaanka sugaya, dadweymuhuna cagtooda ay maalayeen.
Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaadacay doorashadan oo ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo aan cadaalad aheyn hase ahaatee waxaa dhinaca kale lagu tilmaamay iney tahay talaabo weyn oo ay Somalia u qaaday dhinaca dimoqraadiyada.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in la bilaabayo tirinta codadka oo uu sheegay in maalmo kooban ay qaadan doonto, wuxuuna u mahad celiyey ciidanka Booliska iyo shacabka gobolka banaadir oo si wadajir ah uga shaqeeyey amaanka.
