Heemaal News Network

Ingiriiska, Japan Canada Iyo Dalal kale Oo Cambaareeyay Go’aanka Israa’iil Ee Deegaamaynta

14 dal oo ay ku jiraan Faransiiska, Britain, Canada iyo Japan, ayaa cambaareeyay Arbacadii shalay go’aanka Israa’iil ogolaatay deegaamaynta cusub ee dadkeeda ee Daanta Galbeed ee la haysto.

“Anaga oo kala ah dowladaha Belgium, Canada, Denmark, France, Germany, Italy, Iceland, Ireland, Japan, Malta, the Netherlands, Norway, Spain iyo Ingiriiska, waxaan cambaareyneynaa ansixinta golaha wasiirada amniga Israa’iil ee 19 deegaan oo cusub oo laga dhisayo Daanta Galbeed ee la heysto” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska.

“Waxaan dib u xasuusanaynaa sida cad ee aan uga soo horjeedno nooc kasta oo ka mid ah goosasho dhul iyo siyaasad is ballaarin ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.