Heemaal News Network

Beeralayda Qaadka Miirowga Ee Kenya Oo joojiyay Dhoofinta Qaadka Ee Somaliya.

Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in muddo 7 maalmood ah ay hakiyeen dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxay ku sheegeen inay uga jawaabayaan caqabadaha soo wajaha beeralayda qaadka ee dalka Kenya, kuwaas oo tilmaamay inay walaac ka muujinayaan qiimaha lagu canshuuro qaadka ay u iibgeeyaan Soomaaliya.

Beeralayda Qaadka ayaa dalbaday in wax laga qabto walaaca ay muujinayaan, iyagoo ugu baaqay masuuliyiinta Kenya in ay wax ka qabtaan cabashadooda.

Waxay sheegeen lacag dhan 80,000 oo ah lacagta shilinka Kenya ah in looga qaado garoomada diyaaradaha.

Bishii July 2022, Soomaaliya ayaa ogolaatay in dib loo bilaabo dhoofinta Miirowga ee Kenya. Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan dhexmaray madaxweyne Xasan Sheikh iyo dhiggiisa madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sharci-daro ku Tilmaamay Warqada Uu M/Biixi U Diray Guurtida

Heemaal

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo ka Doodaya wax ka Beddelka Qodobada Dastuurka

Heemaaln

“Dhaqaalihii Wadanku masoo Dhaafo Duleedka Hargeysa.“Xildhibanada Mucaaradka Oo ka Horyimid Faanka Wasiirada

Heemaaln