Kooxda Crystal Palace waxay go’aan ka gaartay mustaqbalka tababare Oliver Glasner

by Heemaal
3 minutes read

Kooxda Crystal Palace waxay go’aan ka gaartay mustaqbalka tababare Oliver Glasner kadib markii lagu jees-jeesay kulankii ay barbaraha la galeen Zrinjski Mostar ee Conference League. Taageerayaashu waxay ku dhawaaqayeen “subaxda waa lagu eryayaa” kadib guul-darro ay ka niyad jabeen oo ka dhacday Bosnia.

Palace go’aan ka gaartay Glasner

Taageerayaasha Palace ayaa safar dheer ugu baxay Bariga Yurub iyagoo rajaynayay in kooxdoodu qaaddo tallaabo wanaagsan oo ay ugu soo gudubto wareegga 16-ka tartanka qaaradda. Ismaila Sarr ayaa furay goolasha garoon qaada 9,000 oo qof, halka Glasner uu soo saaray saf xooggan oo ay ku jireen xiddiga xulka England Adam Wharton iyo saxiixii rikoodhka ahaa Jorgen Strand Larsen.

Si kastaba ha ahaatee, Eagles waxaa barbareeyay Karlo Abramovic 10 daqiiqo kadib bilowga qeybta labaad, waxaana ay ku qasbanaadeen inay ku ekaadaan barbaro. Tani waxay ka dhigan tahay inay hal guul oo keliya heleen 15-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada.

Sida uu sheegay weriyaha Fabrizio Romano, Palace waxay go’aansatay inay sii hayso Glasner ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka. Tababaraha reer Austria ayaa hore u shaaciyay inuu ka tagi doono koonfurta London marka qandaraaskiisu dhamaado xagaaga. Inkastoo qaar ka mid ah taageerayaashu rabaan inuu si degdeg ah u baxo—maadaama ay ku qeylinayeen “waa la eryayaa subaxda”—haddana Palace waxay qaadatay go’aan rasmi ah.

Eagles waxay go’aansadeen inay sii hayaan

Sida uu sheegay Fabrizio Romano, inkastoo 24 saacadood oo xiisad leh ay ka jireen Selhurst Park, Glasner ayaa sii ahaan doona jagadiisa.

Guuleystihii FA Cup-ka ayaa si daacad ah uga hadlay xaaladda xilli ciyaareedkan, wuxuuna yiri markii uu shaacinayay bixitaankiisa:
“Go’aan hore ayaa loo gaaray bilo ka hor. Waxaan kulan dheer la yeeshay Steve Parish bishii Oktoobar intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah. Waxaan u sheegay inaanan saxiixi doonin qandaraas cusub.

“Waxaan u sheegay Steve inaan raadinayo caqabad cusub. Tani wax shaqo ah kuma laha suuqa kala iibsiga. Waxaan necbahay marka wax aan sax ahayn la qoro oo ay igu adkaato inaan ka jawaabo. Waxaan leenahay xiriir wanaagsan, mar walbana waan wada hadalnaa waxa ugu fiican Palace.”

Glasner wuxuu sidoo kale dhaliilay guddiga Palace kadib suuqa kala iibsiga Janaayo, markii kabtanka kooxda Marc Guehi loo iibiyay Manchester City.

“Waxaan dareemayaa in nala dayacay gabi ahaanba. Ma eedeyn karo ciyaaryahan kasta. Waxay sameeyeen wax walba oo ay awoodaan, arrintuna toddobaadyo iyo bilo ayay socotay. Waxaan haynaa 12 ama 13 ciyaaryahan oo kaliya oo diyaar ah, mana dareemeyno taageero. Waxa ugu xun waa in kabtankeenna la iibiyo hal maalin ka hor kulan Premier League ah. Taasi ma fahmi karo. Waxaan mar walba aamusnaa, laakiin hadda ma awoodo, waa inaan difaacaa ciyaartoydan. ayuu yidhi”

Si kastaba, wuxuu dambe ku daray inuu ka gudbay arrintaas. “Waxaan casho dheer la yeeshay Steve Parish toddobaadkan, waan ka wada hadalnay xaaladda—wakhtiga iibka iyo beddelka suurtagalka ah. Wadahadal wanaagsan ayuu ahaa. Waxba kama beddelmin wixii aan hore u sheegay; aniga iyo Steve 100% waan go’an nahay inaan sameyno xilli ciyaareed wanaagsan inta ka harsan afarta bilood.”

“Xiriir kasta sidaas ayuu yahay. Waxay ahayd duufaan, laakiin duufaan kasta ka dib qorrax baa soo baxda. Waxaan si daacad ah ula hadlay ciyaartoydayda, toddobaad fiicanna waan qaadanay tababarka, niyadduna way soo kacday. ayaa intaa ku daray”

Palace waxay wajihi doontaa Wolves kulanka xiga ee Premier League dhammaadka toddobaadkan. Eagles waxay fadhiyaan kaalinta 13aad, waxayna 8 dhibcood ka sarreeyaan West Ham oo ku jirta kaalinta 18aad. Guul ayaa si weyn u yarayn karta murugada ka taagan Selhurst Park.

Palace weli waxay fursad u leedahay inay u gudubto wareegga play-off-ka ee Conference League, iyadoo lugta labaad ee Zrinjski lagu ciyaari doono Selhurst Park Khamiista soo socota. Natiijo wanaagsan ayaa kordhin karta rajada ay ku doonayaan inay ku guuleystaan koob weyn.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.