Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa shaacisay barnaamij tartan ah oo lagu bixinayo ilaa $200 milyan oo kaalmo dibadeed ah, si loo dedejiyo hirgelinta taleefanno casri ah oo ammaan ah, tayo sare leh isla markaana qiimo jaban ku gaadha dalalka gobolka Indo-Pacific. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero shirkadaha soo bandhiga qorshe cad iyada oo lagu gaadhsiinayo taleefanno la isku halayn karo.
Barnaamijkan wuxuu diiradda saarayaa taleefanno ku shaqeeya nidaamyo la aamini karo sida Android iyo iOS. Ujeeddadu waa in dadka ku cusub internet-ka ee ku nool gobolka Indo-Pacific lagu daro nidaam furan oo is-waafaqsan, si ay uga faa’iidaystaan adeegyo casri ah, ganacsi dhijitaal ah iyo horumar ku saleysan tiknoolajiyada.
Mashruucan ayaa qayb ka ah aragti istiraatiiji ah oo loo bixiyay Pax Silica. Aragtidan waxay ku saleysan tahay in la dhiso Indo-Pacific isku xidhan oo horumarsan, halkaas oo malaayiin qof lagu siiyo qalab iyo barnaamijyo u suurtogelinaya inay horumariyaan Caqliga Macmalka ah iyo hal-abuurka ganacsi. Taas macnaheedu waa in taleefanku noqdo aalad lagu abuuro shaqo, waxbarasho iyo fursado dhaqaale.
Sidoo kale, barnaamijku waxa lagula dagaalamaya shirkadaha Shiinaha ee Telefoonada oo uu Maraykanku u arko khatar amni. Mareykanku wuxuu rumeysan yahay in qaar ka mid ah shirkadaha suuqa ku jira ay keenaan khatar dhinaca xogta iyo madaxbannaanida dijitaalka ah, sidaas darteedna uu muhiim yahay in la helo suuq ku dhisan tartan cadaalad ah iyo tiknoolajiyad la isku halayn karo.
Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu casuuntay shirkadaha isgaadhsiinta iyo shirkadaha sameeya qalabka taleefannada inay soo gudbiyaan dalabyo, mid wadajir ah ama mid gaar ah. Tani waxay ka dhigan tahay in shirkaduhu ay soo bandhigaan qorshe cad oo muujinaya sida ay u qaybinayaan taleefanno jaban balse tayo sare leh dalalka la beegsanayo.
Shuruudaha muhiimka ah waxaa ka mid ah in shirkadu adeegsato nidaam hawlgal oo Mareykan ah oo la aamini karo, isla markaana si buuxda ula jaanqaadaya nidaamka barnaamijyada iyo Caqliga Macmalka ah ee Mareykanka. Sidoo kale, shirkaduhu waa inay caddeeyaan sida lacagta la siinayo ay uga caawinayso inay hoos u dhigaan qiimaha taleefanka si uu ula tartamo kuwa kale ee suuqa yaalla.
Mudnaan gaar ah ayaa la siin doonaa shirkadaha xaruntoodu ku taal dalalka la-hawlgalayaasha Pax Silica, si loo dhiso isbahaysi tiknoolajiyadeed oo ku dhisan kalsooni. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in shirkaduhu muujiyaan daahfurnaan buuxda oo ku saabsan silsiladda sahayda, taas oo micnaheedu yahay in si cad loo ogaan karo halka uu qalabku ka yimaaddo iyo cidda soo saartay.
Shirkadaha danaynaya waa inay iimayl u diraan EdgeAI@state.gov si ay u helaan faahfaahin dheeraad ah, waxaana codsiyada la gudbin karaa muddo 90 maalmood ah. Si kastaba ha ahaatee, maalgelinta $200 milyan ah waxay ku xidhnaan doontaa helitaanka miisaaniyad iyo ogeysiinta Kongareeska Mareykanka.
Waddamada Indo-Pacific guud ahaan waxaa ka mid ah dalal ku teedsan Badweynta Hindiya iyo Badweynta Baasifigga, sida: Hindiya, Pakistan, Bangladesh, Sri Lanka, Maldives, Indonesia, Malaysia, Singapore, Thailand, Vietnam, Philippines, Japan, South Korea, Australia, New Zealand, Papua New Guinea, Kenya, Tanzania, Mozambique, iyo South Africa, mararka qaarna waxa lagu dara Soomaaliya iyo kuwo kale oo ku yaalla Bariga Aasiya iyo Pacific-ga. Gobolkan ayaa maanta ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan dhaqaale iyo istiraatiiji ahaan dunida.