Heemaal News Network

Booliska Somalia Oo Mar kale u Digay Shacabka Degan Xerada Dab-damiska Muqdisho.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faray shacabka degan xerada dab damiska iney ka guuraan maadaama ay dhamaatay mudadii loo qabtay

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay xeradaas in la baneeyo ka hor 20ka bishan Apriil oo ay naga xigto muddo todobaad ah

Afhayeenka Booliska Somalia ayaa sheegay in xeradaas loogu adeegi doono bulshada aysana jiri doonin in loo isticmaalo dano gaar ah.

“Waxaan Balan Qaadeynaa hadaanahay Boliiska soomaliyeed in xeradaas ay Noqondoonto meel Bulshada loogu adeego

Mana dhicidoonto wararka Been abuurka ah ee Bulshada loo sheegaayo . Waxaana laga hirgelinayaa Xero Dabdamis oo Casri ah waxaana Naga Taageeri doona Saaxiibada Boliiska iyo Bulshada soomaaliyeed. Marka dadka degan waxaan leeyahay Adiga iyo Aniga iyo qof Gaar ahba waxaa ka Mudan Adeega guud ee Bulshada Soomaliyeed aan u istaagno in bulshada loo adeego” ayuu yiri afhayeenka.

Dhulkan oo ku yaalla agagaarka Sei biyano ayaa waxaa mudooyinkan ka taagneyd xiisad u dhexeysay dadka degan oo diiday iney ka guuraan iyo ciidanka DF, iyadoo ay dhamaadeen dhowr jeer oo mudooyin loogu qabtay dadka halkaas degan iney baneeyaan.

Halkan Hoose ka Akhriso:-

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Samira Gayid:-“Turkiga kuma Qasbana inuu Somaliya ka Difaaco Itoobiya Laakiin Hal Arin Oo Muhim ah.”

Heemaaln

“Maydka Wiilkeyga ha la ii keeno…” Aabaha Dhalay Marxuum Xalay Lagu Dilay Muqdisho

Heemaaln

Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka Somaliyed Oo Su’aalo la Weydiiyey.(Sawirro)

Heemaaln