Ciidanka Puntland oo Qabtay Ajnabi ka tirsan kooxda Daacish

by Heemaaln
2 minutes read

Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ay xalay saqdii dhexe ka fuliyeen deegaanka Tasjiic oo ka tirsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku qabteen nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa kooxda Daacish.

Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgallada ka socda aaggaas ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la qabtay lagu magacaabo Bishaar Maxamed, isla markaana uu u dhashay dalka Yemen. Waxa ay tilmaameen in ninkan aan lagu qaban wax hub ah, balse uu ka soo baxsaday taliska Shankaala ee togga Baalade, oo ka mid ah fariisimaha ay kooxda Daacish ku leeyihiin buuraha Calmiskaad.

Deegaanka Calmiskaad oo ah dhul buuraley ah oo istaraatiiji ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa meel ay si gaar ah u beegsadeen ciidamada Puntland, kuwaas oo wada howlgal lagu sifeynayo maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysanaya halkaas. Saraakiishu waxay xuseen in qabashada ninkan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda iyo isku xirnaanta kooxda.

Dhanka kale, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in 16-kii bishan Febraayo uu duqeyn cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ay leedahay Daacish oo ku yaalla buuraha Calmiskaad. AFRICOM waxay caddeysay in duqeyntu ka dhacday meel qiyaastii 70-km koonfur-bari ka xigta magaalada Boosaaso, balse kama aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay ama bartilmaameedka saxda ah ee la weeraray.

Wararka ka imanaya Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in muddooyinkii dambe ay isa soo tarayeen xubno ka tirsan Daacish oo isu soo dhiibaya ciidamada, kuwaas oo u badan ajaaniib ka yimid dalal kala duwan. Arrintan ayaa muujinaysa cadaadiska militari ee sii kordhaya ee lagu hayo kooxda, gaar ahaan gudaha buuraha Calmiskaad oo noqday saldhig muhiim u ah firxadka kooxda ee waqooyi-bari Soomaaliya.

Howlgallada isbarbar socda ee ay wadaan ciidamada Puntland iyo duqeymaha cirka ee Maraykanka ayaa la rumeysan yahay in ay si weyn u saameeyeen dhaq-dhaqaaqa iyo awoodda ururka Daacish ee ku sugan deegaannadaas.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.