Dowladda Federaalka ayaa goordhow si rasmi ah u cambaaraynaysa Aqoonsiga ay Israa|l siisey Somaliland, iyada oo shir ay degdeg ah oo yeesheen Golaha Wasiirradu sheegayaan in aysan aqbalayn in dadka Falastiin loo soo raro, waxa kale oo DFS ay ‘khiyaamo Qaran’ ku eedaysay Madaxda SL, sida aan ka helney ilo ka tirsan dowladda.
Dhinaca kae Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ay saxiixday heshiiska Abraham Accords, oo la unkay sanadkii 2020, kaas oo lagu doonayo in lagu abuuro xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo dalal Carbeed qaarkood. Heshiiskan waxaa garwadeen ka ahaa Mareykanka.
Abraham Accords wuxuu diiradda saaraa furitaanka xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, amniga, dalxiiska, iyo tignoolajiyadda, si loo xoojiyo nabadda Bariga Dhexe. Dalalkii horey u saxiixay waxaa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Suudaan, Morocco, iyo Israa’iil.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaa dhaliyay dood iyo muran, iyadoo Falastiiniyiin iyo dalal Carbeed qaarkood ay ku dhaliileen in la iska indho-tiray arrinta Falastiin iyo xuquuqda dhulkooda.
