Jaamacadda Carabta ayaa si adag u cambaareysay Talaabada Israel ku sheegtay inay ku aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo kicin ah oo halis gelin karta amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Qeyt, 26-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in tallaabada Israel ay si cad u jebinayso xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay ku xadgudbayso mabda’a midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalalka, kuwaas oo ah tiir-dhexaadka Axdiga Qaramada Midoobay iyo xiriirka caalamiga ah.
Abul Qeyt ayaa xusay in go’aankan uu yahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu ka tarjumayo siyaasadaha ballaarinta ee Israel, xilli ay weli socoto xadgudubyo joogto ah oo ka dhan ah shacabka Falastiin iyo dalalka deriska la ah.
Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeysay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo leh madax-bannaani iyo midnimo dhuleed oo caalamku aqoonsan yahay. Waxay intaas ku dartay in aqoonsi hal-dhinac ah oo noocan ah uu yahay mid gebi ahaanba la diidan yahay, isla markaana halis gelinaya nabadda iyo xasilloonida heer gobol iyo mid caalami ah.
Ugu dambayn, Jaamacadda Carabta ayaa mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah, lana iska ilaaliyo tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaaf iyo qalalaase cusub oo ka dhaca Geeska Afrika.

