UK oo ku celisay sababta aysan u aqoonsanayn Somaliland.

by Heemaaln
1 minutes read

Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale ku celisay inaysan taageeri doonin aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya 26-kii December 2025. Waxa ay intaas ku dartay in xitaa haddii dalal kale arrintan raacaan, mowqifka UK aanu isbeddeli doonin.

Ku xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya, Luke Bullock, oo la hadlay Addis Standard, ayaa sheegay in go’aanka dowladdiisu uu yahay mid cad, isla markaana ay doorbidayso in wadahadal lagu xalliyo arrimaha u dhexeeya Maamulka Cirro iyo Dowladda Federaalka.

Bullock waxa uu tilmaamay in tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, aysan u habboonayn xasiloonida Geeska Afrika marka laga eego dhinaca amniga, isaga oo ku booriyay in xal siyaasadeed lagu gaaro wada-hadal toos ah oo u dhexeeya Hargaysa iyo Muqdisho.

“UK ma aqoonsan doonto Somaliland, mana ku raaci doonto haddii dhinacyo kale taageeraan. Waxaan doorbidaynaa in Hargaysa ay la hadasho Muqdisho; tani waa xalka keliya ee lagu gaari karo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Bullock.

Xukuumadda London ayaa sidoo kale xustay in ay aqoon buuxda u leedahay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, maadaama ay horay u gumeysatay wixii ka horeeyay sanadkii 1960, isla markaana ay si cad uga hortagtay in Waqooyi Galbeed ay go’do.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.