Hawlgalka ciidamada Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya loona yaqaano (ATALANTA) ayaa siiyay tababarka saraakiil iyo ciidamo katirsan ilaalada xeebaha , waxaana lagu dul tababaray markabka dagaalka ee lagu magacaabo Canarias ee leedahay Spain.
Tababarkan ayaa xambaarsanaa qaababka la-dagaalanka burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maalgelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha argagixisada.
Tababarkan ayaa waxa uu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeenayo ciidanka ilaalada Xeebaha ee Booliiska , sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.