New York — Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa ka hor markhaati furay guddi ka tirsan Kongareeska, isaga oo sheegay inuusan waxba ka ogayn dambiyada dambiyahankii galmada ee geeriyooday, Jeffrey Epstein.
Dhageysiga oo socday maalinta oo dhan, kana dhacay New York iyadoo albaabadu u xiran yihiin, ayaa Clinton lagu weydiiyay su’aalo ku saabsan ku soo bixitaankiisa faylal dhawaan la shaaciyay oo la xiriira Epstein. Faylalkaas waxaa ku jira sawirro muujinaya Clinton iyo qof aan la aqoonsan oo ku wada jira barkad kulul.
Clinton ayaa guddiga u sheegay inuusan “wax khalad ah samayn”, isla markaana haddii uu wax shaki ah ka hayn lahaa falalka Epstein uu xiriirka u jari lahaa.
“Haddii aan ogaan lahaa, aniga qudhaydu waan soo sheegi lahaa,” ayuu ku yiri qoraal uu sii daayay ka hor markhaatigiisa.
Xaaskiisa oo iyaduna hortagtay guddiga
Markhaatiga Clinton wuxuu yimid maalin kadib markii xaaskiisa, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton, ay iyaduna ka hor markhaati furtay isla guddiga, iyadoo sheegtay inaysan wax fikrad ah ka haysan dambiyada Epstein.
Labadooduba markii hore way ka horyimaadeen warqadaha yeerista ee guddiga, iyaga oo ku tilmaamay kuwo siyaasadeysan, balse ugu dambeyn way oggolaadeen inay hortagaan House Oversight Committee, iyadoo ay soo dhowaatay suurtagalnimada in lagu qaado tallaabo sharci ah oo la xiriirta ku xadgudubka Kongareeska.
Guddiga oo ku tilmaamay wareysiga mid “waxtar leh”
Guddoomiyaha Jamhuuriga ee guddiga, James Comer, ayaa sheegay in wareysigu ahaa mid “aad u waxtar badan”.
“Madaxweyne Clinton wuxuu ka jawaabay su’aal kasta, ama ugu yaraan isku dayay inuu ka jawaabo,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in muuqaalka markhaatigiisa iyo qoraalka rasmiga ah la sii deyn doono maalmaha soo socda.
Comer wuxuu sidoo kale sheegay in markhaatiga Clintons-ku uu yahay mid taariikhi ah, maadaama ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee abid Kongareesku su’aalo weydiiyo.
Xiriirka Trump oo la soo hadal qaaday
Intii lagu jiray dhageysiga, waxaa la soo hadal qaaday xiriirka Madaxweyne Donald Trump la lahaa Epstein.
Robert Garcia, oo ah Dimuqraadiyaha ugu sarreeya guddiga, ayaa sheegay in markhaatiga Clinton uu keenay “macluumaad dheeraad ah” oo ku saabsan Trump, taasoo ay ku doodayaan inay mudan tahay in mar kale loo yeero si uu su’aalo uga jawaabo.
Si kastaba ha ahaatee, Comer ayaa sheegay in wax cusub oo la soo bandhigay aysan beddelin aragtidiisa ah in Trump laga waayay wax dembi ah.
Clinton oo ka qoomameeyay xiriirkii hore
Clinton wuxuu sheegay inuusan wax aqoon ah u lahayn dambiyada Epstein, isla markaana uu xiriirka u jaray labaatan sano ka hor.
Wuxuu xusay in xiriirkoodu ka bilowday shaqo samafal oo uu qabtay kadib markii uu ka degay xilka madaxtinimada sannadkii 2001. Wuxuu sidoo kale muujiyay qoomamo ku saabsan inuu waligiis la xiriiro Epstein, oo ku dhintay xabsi ku yaalla New York sannadkii 2019, isaga oo sugayay maxkamadeyn la xiriirta eedeymo ka ganacsiga galmada.
Magacyada Clintons-ka ayaa si joogto ah uga soo muuqda faylalka la xiriira Epstein, hase yeeshee ka soo muuqashada dukumentiyadaasi micnaheedu ma aha in dembi la galay.
Dhageysiyada Kongareeska badanaa waxay ka dhacaan iyadoo albaabadu u xiran yihiin, inkastoo Clintons-ku ay ku adkaysteen in markhaatigooda la shaaciyo si looga hortago in qaybo ka mid ah jawaabahooda si gooni-gooni ah warbaahinta loogu gudbiyo iyada oo aan la bixin macnaha guud.