Ra’iisul Wasaaraha Qatar oo khadka kula hadlay Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub

by Heemaaln
1 minutes read

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman ayaa wada hadal telefoon kula yeeshay Kaja Kallas oo ah Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiisadda milatari ee ka taagan gobolka iyo saameynta khatarta ah ee ay ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida heer gobol iyo caalamba.

Sheekh Mohammed ayaa ku celiyay in weerarrada Ira**n ay ku yihiin Qatar xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida dalka isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo tallaabooyinka xiisadana wada hadal lagu soo dabaalo ama lagu soo celiyo.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.