Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah khadka taleefoonka kula yeeshay hoggaamiyeyaal ka tirsan Bariga iyo Geeska Afrika, kuwaas oo kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna Hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Wada-hadalladan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xadgudub sharci-darro ah oo Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda uu kula kacay madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo halis ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka, kana soo horjeedda xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.
Hoggaamiyeyaasha gobolka ee uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si adag oo mideysan u muujiyey garab-istaag buuxa oo ay la garab taagan yihiin gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Waxay si cad u adkeeyeen in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub muuqda oo ka hor imanaya Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee midnimada dhuleed, iyo qawaaniinta hagaya xiriirka dowladaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale xusay in uu sii wadi doono wada-tashiyo ballaaran oo uu la yeelanayo madaxda caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee sharci, diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed ee caalamiga ah, kuwaas oo lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




