“Ma Ogin waxa Dhici doona Dilka Hogaamiyihii Iran Kadib” Madaxii hore ee CIA-da

by Heemaaln
1 minutes read

Madaxii hore ee CIA-da Mareykanka David Petraeus ayaa sheegay in howgalka Iran dhinaca sirdoonka uu ahaa “guul sirdoon oo aan caadi aheyn” balse wuxuu intaas ku daray “ma ogin waxa xigi doona”.

Wuxuu xusay inkastoo Iran ay ku dhawaaqday hoggaan kumeel gaar ah hadana “in aysan waxba ka maqal dhankooda”, wuxuuna intaas ku daray in uu ku “kalsoon yahay” in aysan isticmaaleyn taleefoonadooda gacanta.

Mar la weydiyay waxa uu ka sheegi karo badalka Khamenei, Petraeus wuxuu sheegay “caadiyan golaha khubarada ayaa dooran doono hoggaamiya kale ee ugu sareeya”. Balse taliska dhexdiisa waxaa ku jira “kuwa aad macquul u ah”.

Golaha khubarada waa guddi dastuuri ah oo ka kooban 88 xubnood kuwaas oo mas’uul ka ah doorashada iyo kormeerka hoggaamiyaya ugu sareeya.

Mar la weydiiyay hadii dhulka laga weerarayo, wuxuu Petraeus ku jawaabay, “waxay ku xiran tahay waxa dhaca” balse “Donalnd Trump ma doonayo in uu taas sameeyo”.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.