Raisal Wasaraaha Lubnaan oo si adag uga fal-celiyey weerarka Xisbulah ku qaaday isra’iil

by Heemaal
1 minutes read

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan ayaa ku tilmaamay weerarka gantaallada ee Hezbollah ku qaaday Israel inuu yahay “mid aan mas’uul ahayn”

Nawaf Salam ayaa sheegay in weerarka uu ahaa “fal aan mas’uul ahayn oo shaki ku jiro, kaasoo halis gelinaya ammaanka iyo badbaadada Lubnaan, isla markaana siinaya Israel cudur-daar ay ku sii wado gardarradeeda.”

“Dalku ma oggolaan doono in lagu jiido khataro cusub, waxaana qaadi doonnaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo qabto kuwa ka dambeeyay iyo in la ilaaliyo shacabkii Lubnaan,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri baraha bulshada ee X.

Hezbollah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo ku dooday in uu ahaa jawaab u ah dilka Ali Khamenei iyo xadgudubyada Israa’iil ay ku hayso Lubnaan.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.