159
Waxaan wali sugeynaa in Trump uu bilaabo hadalka, laakiin waxaan idiin heynaa xoogaa warar deg deg ah oo Qadar ku saabsan.
Wasaaradda difaaca ee dalkaasi ayaa sheegtay inay soo rideen laba diyaaradood oo SU24 ah oo ka yimid dalka Iran.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay qabatay toddobo gantaal oo ballistic ah iyo shan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah “kuwaasi oo maanta lala beegsaday goobo dhowr ah oo ka tirsan gobolka”.
Dhammaan gantaallada waa la soo riday ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda, ayay raacisay.