Sacuudiga Oo Mar kale ka Hadlay Diyaaradihii Iiraan ku Weerartay

by Heemaaln
1 minutes read

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga Turki al-Maliki ayaa ku dhawaaqay in la qabtay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo isku dayay inay weeraraan warshadda sifeynta Ras Tanura ee ay leedahay shirkadda shidaalka ee Aramco.

Wuxuu u sheegay Al Carabiya in burburu soo gaaray warshadda intii lagu jiray howlgalka qabaashada oo sababay dab yar oo ka kacay warshadda sifeynta, isagoo intaa ku daray inaysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah.

Wakaaladda Wararka Sucuudiga Saudi Press Agency ayaa lagu sheegay in warshadda uu gaaray “khasaare yar oo ka dhashay dabka” kadib markii la qabtay “laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku sugnaa agagaarka warshadda”. Waxa kale oo intaa lagu daray in dabka “si degdeg ah loo damiyay” iyadoo ay ka hawlgaleen adeegyada gurmadka degdegga ah, isla markaana aysan jirin wax dhaawac ama dhimasho ah.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.