Qoyskaasi waxay ku wada nool yihiin Hal Dhismo Guri oo ku yaalla Degmada Rabat-e-Sangi ee Gobalka Herat ee Galbeedka dalkaasi.
Ahmed Agha Nanawa oo Mehrad Foorno ku leh Degmadaasi waxa uu tilmaamay in Tiro ka mid ah carruuriisa ay kala shaqeeyaan Ganacsiga Fornada ee uu ku leeyahay Suuqa Degmadda Rabat-e-Sangi.
Sida laga soo xigtay Axmed Agha Nanawa waxa uu xusay in carruurta badan ee uu dhalay ay isaga ka dhigtay Shaqsi caan ka noqday Ganacsatada iyo Shacabka kula nool Degmadda Rabat-e-Sangi.
Docda kale, Ahmed Agha Nanawa waxa uu tilmaamay inuu ubadkiisa ula macaamilo si Wanaagsan, oo uu aad u jecel yahay iyo in Waalidnimo ka sokow ay Saaxiibo wada yihiin.
Wareysi Khaas oo uu bixiyey ayaa waxa uu ka shanqariyey inuu qorsheynayo inuu Xaas Afaraad guursado sida ugu dhaqsaha badan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Xaasaskiisa kale raalli ka yihiin inuu Xaas Afaraad la guursado.
Mid ka mid ah Wiilashiisa oo lagu magacaabo Parvis Ahmed Agha waxa uu sheegay inuu isaga xitaa doonayo inuu guursado Xaasas badan si uu u helo carruur badan sida Aabihisa oo kale.
Dadka deriska la ah Qoyskaasi waxay garwaaqsadeen inay Aabahaasi u aqoonsadaan inuu Tusaale Wanaagsan oo ku-dayasho mudan u yahay kuwa kale ee sidiisa oo kale u yegleelayo Qoysas ballaaran.
Munaasabadii Ciiddul-fitriga waxa uu sheegay inuu 50,000 oo Lacagta Afgaanistaan ku Kharaj gareeyey Dharka iyo Kabaha ay ku Ciideen dhamaan Carruurtiisa (Gabdho iyo Wiilal).