Senator Chris Murphy: Trum si quudhsi ah ayuu sharciga iyo shacabka Maraykanka ula dhaqmayaa

by Heemaal
1 minutes read

Senator ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in Trump uu si quursi ah ula dhaqmayo nidaamka sharciga (due process) iyo shacabka Mareykanka.

Waxaan horay idiinku soo gudbinay faallooyin uu bixiyay Senator-ka Mareykanka ee Chris Murphy, kaas oo warbaahinta kula hadlay ka dib kulan xog-ogaal ah oo Kongareeska lagu siiyay, isagoo sheegay in maamulka Donald Trump uu u muuqdo mid ku howlan “faragelin furan oo aan lahayn dhammaad muuqda.”

Murphy wuxuu yiri: “Waxay nagu yiraahdeen gudaha kulanka in tani ay tahay hawlgal furan oo aan xad lahayn, kaas oo xitaa aan si dhab ah weli u bilaaban. Waxaa jiri doona Mareykan kale oo la dili doono. Waxay diideen inay meesha ka saaraan suurtagalnimada in ciidamo dhulka ah la geliyo. Tani waxay ka dhigi doontaa hawlgalkii Liibiya mid u ekaan doona ciyaar carruureed.”

Wuxuu intaas ku daray: “Shaki kuma jiro in tani ay tahay dagaal. Waxay quursi u hayaan shacabka Mareykanka. Waxay u hayaan quursi sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay qaadi karaan dagaalkii ugu weynaa ee Bariga Dhexe tan iyo dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan iyagoo aan helin hal cod oo ansixin ah, isla markaana aan jirin wax dood ah.”

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.