Wasiirka Arrimaha Gudaha Waqooyi Bari ayaa ku baaqay in berri la qabto mudaharaad ballaaran oo lagu difaacayo midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka WaqooyiBari, gaar ahaan dhalinyarada, haweenka iyo bulshada rayidka ah, inay si nabad ah uga qeyb qaataan mudaharaadka, iyaga oo muujinaya mowqifkooda qaran ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.
Baaqa ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan yihiin walaacyo la xiriira faragelin iyo xadgudubyo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, taas oo keentay in mas’uuliyiintu adkeeyaan muhiimadda midnimo qaran.
