Dowlada Iiraan: “Dadkeenna si Naxariis Darro ah ayaa loo Laynayaa Waana Iska Difaacaynaa”

by Heemaaln
1 minutes read

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel inay si ula kac ah u bartilmaameedsanayaan meelaha dadka rayidka ah.

“Waxaan diyaar u nahay inaan la dagaalano duulaanka dhulka ee Maraykanku qorshaynayo inuu kusoo qaado Iran, islamarkaana anagu ma aanan codsan wax xabad joojin ah, sidoo kale-na waanu diidnay wax wada-hadal ah oo aanu la galno Maraykanka..” ayuu yiri wasiirku

Afhayeenka wasiirka, Esmaeil Baqaei, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in duqeymaha “saameyn ku yeelanayaan suuqyada caalamka, kordhinayaan qiimaha tamarta, khalkhal gelinayaan lacagaha, isla markaana daciifinayaan awoodda iibsiga ee dadka caadiga ah ee dunida oo dhan”.

Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin annaga oo ah Iiraan, khasaaraha waa mid aan la qiyaasi karin: dadkeennu si naxariis darro ah ayaa loo laayay iyadoo weerarrada si ula kac ah loogu bartilmaameedsanayo goobaha dadka rayidka ah iyo goob kasta oo ay rumaysan yihiin inay keeni doonto xanuun iyo dhimasho badan”.

Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu baabi’iyo awoodda gantaallada Iiraan iyo kartida ay u leeyihiin horumarinta hubka nukliyeerka.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.