Trump oo isku badalay Fadhi ku dirir “Ciidamada iiraan hubka ha dhigaan, safiiraduna magan galayo ha raadsadaan”

by Heemaal
1 minutes read

Madaxweynihii hore ee Donald Trump ayaa ku baaqay in diblomaasiyiinta Iran ee ka howlgala safaaradaha caalamka ay iska joojiyaan shaqadooda dowladda Tehran oo ay raadsadaan magangalyo. Trump wuxuu yiri diblomaasiyiintaasi waa in ay codsadaan magangalyo si ay gacan uga geystaan sidii loo dhisi lahaa Iran cusub oo ka wanaagsan marka uu dagaalku socdo.

Sidoo kale Trump wuxuu ku celiyay wicitaankiisii hore ee ku saabsan in xubnaha Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC), ciidamada milatariga Iran iyo booliska ay dhulka dhigaan hubkooda oo ay is dhiibaan. Wuxuu sheegay in kuwa sidaas sameeya ay heli doonaan difaaca sharci buuxa (immunity), taasoo ka dhigaysa in aan lagu ciqaabin dambiyada haddii ay isu dhiibaan. Hase yeeshee, Trump ayaa sidoo kale ku digay in haddii aysan sidaas yeelin ay wajihi doonaan qatar aad u weyn oo dhimasho ah.

Qoraalka Trump wuxuu ahaa isku day uu ku doonayo in uu kala fogeeyo saraakiisha iyo diblomaasiyiinta Iran ee ka soo horjeeda dagaalka socdo, isagoo ku dooday in tallaabadaasi ay qeyb ka noqon karto in la beddelo hogaanka dalkaasi.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.