Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika si uu Bangiga Adduunka u maalgaliyo, qodobada ay soo saaraan Wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne, kaas oo qab soomi doona 29-ka April 2024-ka.
Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah si oo sare loogu qaadayo wax soo saarka gudaha, dib-u-habeynta maaliyadda taas oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.