66
Dawlada Jabuuti ayaa taageero u muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib wada-hadal dhexmaray Madaxweyne Geelle & dhiggiisa Saayid, sida uu ku warramay RTDtv, labada hoggaamiye ayaa wadaagey in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta, si loo ilaaliyo nabadgelyada gobolka ka dib dagaalka Bariga-dhexe.
Xidhiidhka labada dhinac ayaan wanaagsanayn sannadihii danbe, balse tani waxay ka dhigan tahay Isbeddello socda, iyada oo DFS oo hore u erisey UAE ay hadda uga tacsiyeysay weerarrada Iiraan.