Senator Cusmaan Dubbe, oo ka tirsanaa Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana hore u soo noqday Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Senatornimo ee uu ka hayay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Senator Dubbe ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay uu yahay mid uu muddo ka fiirsanayey, isla markaana uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo qoto dheer oo kala dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu ku howlan yahay tallaabooyin siyaasadeed oo uu ku tilmaamay kuwo halis ku ah deganaanshaha iyo danaha deegaanka uu Senator-ku matalayay.
Sida uu sheegay Senator Dubbe, ma doonayo inuu ka mid noqdo hannaan siyaasadeed uu rumeysan yahay in uu horseedi karo dhibaato hor leh oo loo geysto bulshada uu ka soo jeedo, isaga oo xusay in mas’uuliyadda ugu weyn ee saaran ay tahay difaaca danaha shacabka uu matalo, halkii uu ku jiri lahaa aamusnaan ama go’aamo uu ku tilmaamay kuwo aan caddaalad ku dhisneyn.
Dhanka kale, ilo xog-ogaal ah oo ku dhow Baarlamaanka Federaalka ayaa tilmaamaya in tallaabada uu qaaday Senator Cusmaan Dubbe ay dhiirrigelin u noqon karto xubno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Xildhibaanadan iyo senataradan ayaa la sheegayaa inay si weyn uga walaacsan yihiin jihada siyaasadeed ee dalka iyo qaabka loo maareynayo khilaafaadka taagan, isla markaana ay ka fiirsanayaan qaadashada tallaabooyin la mid ah, oo ay ka mid yihiin iscasilid ama mowqif siyaasadeed oo cad.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu cadaadis siyaasadeed saaray xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ee ku jira Baarlamaanka Federaalka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u diray farriin adag, taasoo ku saabsan in aysan sii ahaan karin kuwo dhexdhexaad ah ama aamusan, islamarkaana laga doonayo inay 7 maalmood gudahood ku soo bandhigaan mowqif cad oo ay ka qaataan xaaladda siyaasadeed ee taagan iyo jihada dowladda.
Arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, taasoo salka ku aqoonsiga ay isra’il u fidisay Somaliland.
