Heemaal News Network

Baarlamaanka Somaliya Oo Cambaareeyey Israel, Qaraar Rasmi Ahna Soo Saaray

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey talaabadii ugu dambeysay ee ay qaaday dowladda Israel, taas oo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Fadhi ay yeesheen labada gole ee Baarlamaanka ayaa lagu ansixiyey Qaraar rasmi ah, kaas oo lagu muujinayo mowqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay arrintaasi, islamarkaana lagu taageerayo shacabka Falastiin.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli Baarlamaanka Soomaaliya uu sii xoojinayo doorkiisa ku aaddan arrimaha siyaasadda dibadda iyo mowqifka dalka ee khilaafaadka caalamiga ah