188
Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti ayaa soo saartay digniin amni iyadoo sabab uga dhigtay xiisadaha ka taagan gobolka Bariga dhexe iyo hanjabaado loo jeediyay Maraykanka.
Safaaraddu waxay shaqaalaheeda kula talisay inay ka fogaadaan aagga ku dhow Safaaradda Maraykanka iyo Camp Lemonnier oo ah xerada ciidanka Maraykanka ee dalkaasi Jabuuti.
Sidoo kale muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Jabuuti waxaa lagu booriyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo ay la socdaan wararka.