Qunsuliyadda Ruushka ee ku taalla magaalada Isfahan ee dalka Iran ayaa waxyeello gaartay weerar dhacay horraantii toddobaadkan, sida ay sheegtay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova.
Waxyeelladu waxay dhacday markii dhismaha maamulka guddoomiyaha gobolka ee ku yaalla agagaarka lagu weeraray 8-da Maarso, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Sida ay Zakharova sheegtay, dariishadaha xafiiska qunsuliyadda iyo guryaha ay deggen yihiin shaqaalaha ayaa jabay, qaar ka mid ah shaqaalahana waxaa tuuray hirka qaraxa (shockwave). Si kastaba ha ahaatee, qofna si daran uma dhaawacmin.
Waxay sheegtay in weerar lagu qaado wakiil diblomaasiyadeed uu yahay “xadgudub weyn” oo ka dhan ah heshiisyada caalamiga ah, ayna dhammaan dhinacyadu tahay inay ixtiraamaan diblomaasiyadda iyo ilaalinteeda.
Sidoo kale, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadii kala hadlay xaaladda madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, sida uu sheegay Kremlin-ku. Putin wuxuu ku baaqay in la joojiyo dhammaan dagaallada.