Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo qeyb ka ah shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka oo ka soconaya xarunta QM ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wasiir Khadija Al-Makhzoumi ayaa khudbaddeeda uga hadashay caqabadaha heysta Haweenka Soomaaliyeed iyo sida ay ugu adkeysteen caqabadahaasi hadase ay muhiim tahay in Haweenka Soomaaliyeed si buuxda loo garab istaago. Sidoo kale waxa ay Wasiirrada khudbaddeeda uga hadashay tallaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya si meesha looga saaro tacadiyada iyo xad gudubyada ay la kulmaan Haweenka Soomaaliyeed.
“Si aan meesha uga saarno tacadiyada iyo xadgudubyada ay la kulmaan Haweenkeenna waxaan hirgelinay qadka wicitaannada deg degga ee caawinta Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed anaga sidoo kalena meel marinay sharciyo iyo siyaasado wax ku ool u ah Haweenkeenna ” ayey ku tiri khudbaddeeda Wasiir Khadija Al-Makhzoumi.
Sanad kasta waxaa bisha Maarso lagu qabtaa xarunta QM ee magaalada New York shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka ayadoo sanadkan ay Soomaaliya shirkan uga qeybgalayaan wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS.



