39
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn la qabtay lana burburiyay iyadoo ku sii jeedday xarunta Shidaalka ee Shaybah.
Drone-ka ayaa lagu soo riday gudaha goobta lagu magacaabo Rub’ al Khali ka hor inta aysan gaarin goobta shidaalka.
Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka Iiraan waxaa sacuudiga lagu qaaday weeraro Gantaalo iyo Dronis-ka.