Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay Oo ka Digay Saamaynta Dagaalka Iran ku Yeeshay

by Heemaaln
0 minutes read

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa Khamiistii sheegay in weerarada ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil ee Iran ay saameyn ku yeesheen dalal badan, islamarkaana gobolka u geeyay meel halis ah oo u dhow burbur.

Hadalkan waxaa Guterres ka jeediyay xafladda abaalmarinta Ataturk International Peace Prize ee ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Turkiga, halkaasoo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu si rasmi ah ugu gudbiyay abaalmarinta.

Guterres ayaa ku baaqay in la raadiyo xal nabadeed oo degdeg ah si looga fogaado khatar sii kordheysa oo saameyn karta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.