32
Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, Guido Crosetto, ayaa sheegay in ciidamada Talyaaniga ay si ku-meel-gaar ah uga baxayaan saldhig milateri oo ku yaalla Erbil, isagoo sheegay in qorshuhu uu jiray ka hor inta aan saldhigga la garaacin gantaal.
Goโaankan ayaa la sheegay inuu yimid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee gobolka Bariga Dhexe, taas oo keentay in talyaanigu qaaddo tallaabooyin lagu ilaalinayo badbaadada ciidamadeeda ku sugan Ciraaq.
Dowladda Italy ayaa tilmaamtay in ka bixitaanka ciidamadu yahay mid ku meel gaar ah ilaa xaaladda amni ay ka degto.