HNN: Aroortii hore ayaa qaraxyo xooggan laga maqlay magaalooyinka bariga qudus iyo Tel Aviv kadib markii Iran ay gantaallo ku weerartay Israel.
Sida ay sheegayaan wararka ay soo tabiyeen weriyeyaashu, dadka ku nool Bariga Qudus ayaa markii hore helay farriimo digniin ah oo ku soo dhacay telefoonnadooda, kuwaas oo uga digayay gantaallo kusoo wajahan. Wax yar ka dib digniintaas, ayaa cirka laga arkay iftiin iyo qaraxyo ka dhashay gantaallo hawada lagu burburiyay.
Warbaahinta Israel ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxyo laga maqlay magaalada Tel Aviv, halkaas oo dadka deggenaa ay si degdeg ah ugu carareen goobaha gabbaadka marka ay maqleen siriyadayada digniinta.
Ciidamada Israel, gaar ahaan qaybta loo yaqaan Home Front Command, ayaa sheegay in khatarta gantaalladu ay dhammaatay dhowr daqiiqo gudahood kadib markii nidaamyada difaaca hawadu ay ka hortageen inta badan gantaallada la soo tuuray, laakiin ciidanku warbixinta kuma darin kuwii aan la qaban haka ay ku dhaceen.
Adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in aan la soo sheegin dhaawacyo halis ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray dhaawacyo yar-yar oo soo gaaray dad si degdeg ah ugu ordayay goobaha gabbaadka si ay uga badbaadaan weerarka.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli uu sii kordhayo xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Israel, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan hanjabaado iyo weerarro milatari oo kordhin kara khatarta dagaal ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe.
Heemaal News Network