Waqooyiga Kuuriya oo Gantaallo Ballistic ah u Riday Dhanka Badda Bariga

by Heemaal
1 minutes read

HNN: Dowladda North Korea ayaa ridday dhowr gantaal oo ballistic ah oo ku wajahan Badda Bariga, sida ay sheegeen ciidamada militariga ee South Korea.

Taliska ciidamada ee loo yaqaan Joint Chiefs of Staff ayaa sheegay in la arkay qiyaastii 10 gantaal oo ballistic ah oo laga soo tuuray deegaanka Sunan ee dalka Waqooyiga Kuuriya, abbaaro 1:20 duhurnimo waqtiga maxalliga ah (04:20 GMT). Warkan waxaa sidoo kale baahisay wakaaladda wararka ee Yonhap News Agency.

Bayaan ay soo saareen ciidamada Koonfurta Kuuriya ayaa lagu sheegay in militarigoodu uu si buuxda u feejigan yahay, isla markaana ay si dhow ula wadaagayaan xogta ku saabsan gantaallada ballistic ee Waqooyiga Kuuriya dalalka Maraykanka iyo Japan.

Militariga Koonfurta Kuuriya ayaa sidoo kale sheegay in ay xoojiyeen kormeerka iyo la socodka si ay uga hortagaan haddii ay dhacaan gantaallo kale oo dheeraad ah.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha milatari ee gobolka, gaar ahaan tijaabooyinka gantaallada ee ay marar badan samayso Waqooyiga Kuuriya.

Heemaal News Network

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.