Rag hubeysan Oo Caawa Nabadoon 70 jir ahaa ku Hor dilay Gurigiisa Oo Muqdisho ku Yaala.

by Heemaaln
0 minutes read

Waxaa goor dhow Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu Dilay AUN Nabadoon Cali Wosh oo kamid ahaa nabadoonada caanka ka ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley.

Xogo ay heshay HNN ayaa sheegaya in rag hubaysan ay Nabadoonka ku toogteen Gurigiisa hortiisa xili uu ka soo baxayay masjid ku yaala agagaarka Garaashka Muuse Suudi ee degmada Wadajir.

Cali Wosh ayaa dhaawac ahaan looga soo qaaday goobtii lagu toogtay waxaana la xaqiijiyay in ugu dambeen uu ku geeriyooday Isbitaalka.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amaanka Degmada iyo kan Gobolka


HNN

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.