Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran oo ka hadlay telefishinka dalka Iran, ayaa si kaftan iyo jees-jees leh uga hadlay qiimeyntii ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka Maraykanka ee ku saabsan xaaladda dalka.
• Wuxuu sheegay in Mareykanku qiimeeyay in haddii uu dhinto Hoggaamiyaha Sare ee Iran, dalka uu geli doono burbur siyaasadeed, balse arrintaas aysan dhicin.
• Waxa kale oo uu sheegay in hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay filayeen dagaal kooban oo muddo gaaban soconaya, isla markaana aysan Iran ku lug yeelan doonin dagaal ka dhaca guud ahaan gobolka oo ballaaran.
• Sidoo kale waxay saadaaliyeen in fowdo degdeg ah ay ka dhalan doonto gudaha Iran, isla markaana la dhisi doono isbahaysi caalami ah oo weyn oo ka dhan ah Iran.
Taliyaha ayaa sheegay in dhamaan qiimayntii Maraykanka ay shaqayn waysay.