HNN: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, Keir Starmer.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay dagaalka ka socda Bariga Dhexe, sida ay werisay Sky News.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Starmer, Trump iyo Starmer waxay si gaar ah uga hadleen muhiimadda ay leedahay in dib loo furo marin-biyoodka Hormuz, si loo joojiyo carqaladaha ku yimid ganacsiga caalamiga ah ee sababay in qiimaha badeecooyinka iyo shidaalku kor u kaco dunida oo dhan.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Starmer uu tacsi u diray askarta Mareykanka ee ku dhintay dagaalka socda. Dagaalkan ayaa billowday markii Mareykanka iyo Israa’iil ay 28-kii Febraayo weerar ku qaadeen Iran, weerarkaasi oo lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee dalkaas.
“Waxay isku raaceen inay sii wadaan xiriirka iyo wada hadalka,” ayuu yiri afhayeenka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa la filayaa inuu Isniinta kulan la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Mark Carney, si ay uga wada hadlaan xaaladda ka taagan gobolka.
Heemaal News Network.