Kenya Iyo Ruushka Oo ku Heshiiyay In Muwaadiniinta Kenya loo Qoran Dagaalka 𝗨𝗸𝗿𝗮𝗶𝗻𝗲

by Heemaaln
1 minutes read

Kenya iyo Russia ayaa ku heshiiyay in la joojiyo qorista muwaadiniinta Kenya ee ka qayb qaadanaya dagaalka ka socda Ukraine. Arrintan waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Musalia Mudavadi kadib kulan uu magaalada Moscow kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov.

Mudavadi ayaa sheegay in qoritaan cusub oo Kenyan ah uusan jiri doonin, isla markaana Kenya ay diyaarin doonto adeegyo qunsuliyadeed si loo caawiyo muwaadiniinteeda ku sugan Ruushka.

Warbixinno hore ayaa sheegay in in ka badan 1,000 Kenyan lagu qoray dagaalka dhinaca Ruushka, halka Ukraine ay qiyaastay in 1,780 askari oo Afrikaan ah oo ka kala socda 36 dal ay la dagaallamayaan ciidamada Ruushka. Lavrov ayaa dhankiisa sheegay in dadkaas ay si iskood ah u saxiixeen qandaraasyo, isla markaana Ruushku uusan cidna ku qasbin inay ku biiraan ciidankiisa.
HNN

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.