Markab ka shaqeeya badda Mediterranean-ka oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana leeyahay dalka Spain ayaa badbaadiyay ugu yaraan 32 qof oo muhaajiriin ah, oo isugu jira 27 rag iyo 5 dumar ah.
Muhaajiriintan ayaa ka kala yimid dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Cameron, Eritrea, Mali, Burkina Faso, Nigeria, Ghana, iyo Côte d’Ivoire.
Dadka la badbaadiyay waxaa ku jiray haweeney uur leh oo siddeed bilood ah, iyo sidoo kale sagaal carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 2 ilaa 15 sano
Tahriibayaasha ayaa la socday doon la buufiyay oo oo bac ka sameysan, taasoo xilliga la badbaadinayay ku jirtay xaalado aad u halis ah, isla markaana laba maalmood ku jirtay badda iyada oo aan lahayn hage, sida uu sheegay Salvamento Marítimo Humanitario (SMH) oo ah urur shaqadiisu tahay badbaadinta qaxootiga iyo muhaajiriinta isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay si nabad ah u soo badbaadiyeen dhammaan dadkii la socday doonida, iyaga oo ka hortagay xaalad halis weyn gelin lahayd noloshooda.
Kaptanka Markabka Aita Mari ayaa sheegay in howlgalka samatabbixinta uu dhacday qiyaastii 7:32 subaxnimo, Axaddii shalay, ka dib markii la helay wargelin ku saabsan doon ku jirta dhibaato.
Muhaajiriinta ayaa loo qaaday dekedda Vibo Valentia ee gobolka Calabria, ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay tegidoonaan Talaadada, si xaaladdooda loola sii tacaalo.