Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in Maraykanku uu ilaa hadda duqeeyay 7,000 bartilmaameed islamarkaana uu quusiyay in ka badan 100 markab intii uu socday dagaalku.
Trump ayaa hadalkan sheegay ka hor qado uu ka qayb galay oo ka dhacday xarunta John F. Kennedy, isagoo yiri: “Si dhab ah ayaa loo tirtiray,” wuxuuna intaas ku daray in ciidammada cirka iyo badda ee Iran ay gebi ahaanba dabar go’een, hoggaamiyayaashooduna ay meesha ka baxeen, halka tiknoolajiyadooda difaaca cirka lagu sheegay in “la burburiyay”.
Trump waxa kale oo uu tilmaamay in Maraykanka iyo Israel ay “sameynayaan waxa ay ahayd in la sameeyo sannado badan ka hor.”