83
Wakaalladda Wararka Tasnim News Agency ayaa sheegtay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaari roondo ah oo ay leeyihiin booliska magaalada Taftan.
Booliiska ayaa la sheegay inay sugayeen amniga muwaadiniinta markii ay rag hubeysan weerarayeen, waxaana warbixinta lagu sheegay, “Shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Iran iyo hal muwaadin” ayaa la dilay.
Taftan waxay ku taal Sistan iyo Baluchistan. Sida laga soo xigtay Tasnim, waxaa socda dadaallada lagu doonayo in lagu soo qabto dembiilayaasha, “qorshe amni ayaa laga fulinayaa agagaarka.” Faah faahin dheeri ah lagama bixin sida ay wax u dhaceen