Xukuumada Dawlada deegaanka somalida ayaa ku guulaysatay in la kala Qaado Ciidan beeleedyo dhawaanta ku dagaalamay deegaanka Haye- Bari.
Ha.yada Amaanka ee Labada Gobol ee doolo iyo Jarar Wafti Balaadhan oo ka socda heer deegaan ayaana Maalmahan ku sugaan deegaankii dhawaan dagaalku ka dhacay Waxayna dawladu soo saartay Go.aamo rasmi ah.
In Labadii Ciidan la kala Qaaday.
In aan deegaanka Lagu arki karin Wax ciidan ah oo Hubaysan oo aruursan oo katirsan Labada dhinaca.
Dawladu Waxay bilaabaysaa Wadahadal rasmi ah oo labada dhinaca ah si nabad buuxda loo helo iyo darisnimo deegaanka aan dagaal danbe ka dhicin.
Sarkaal katirsan Ha.yada amaanka Gobolka doolo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dawladu Ciidamo dejinayso dhamaan goobihii Lagu dagaalamay.