Iran oo u Aar-gudaysa Askartii looga Dilay Badweynta Hindiya.

by Heemaaln
1 minutes read

Taliyaha ciidanka badda ee Iran, Shahram Irani, ayaa sheegay in cadowga Iran ay wajihi doonaan “aargoosi dhimasho leh” kadib markii ugu yaraan 87 badmaax oo Iiraani ah lagu dilay weerar ka dhacay Badweynta Hindiya meel u dhow Sri Lanka.

Irani oo hadal siiyay telefishinka Press TV ayaa sheegay in Iran aysan illoobi doonin weerarka lagu dilay askarteeda. “Ma iloobi doono dambiga uu cadowgu galay, waxaana aargoosan doonnaa dhiigga shuhadadeenna,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in cadowga Iran uu la kulmi doono weerarro xooggan oo ka iman doona meel aanu filayn. “Cadowgu waa inuu ogaadaa inaan ku ciqaabi doonno weerarro dilaa ah oo ka iman doona meel aanu ka filayn,” ayuu yiri Irani, isagoo intaas ku daray in inkastoo ay maanta barooranayaan askartooda, haddana ay aaminsan yihiin in ay cadowga ku khasbeen inuu jilba joogsado.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii markabka dagaalka ee Iran, IRIS Dena, la sheegay in uu quusiyay markab gujis ah oo ka tirsan ciidamada badda ee United States 4-tii Maarso meel u dhow xeebta magaalada Galle. Markabkaas ayaa ku sugnaa biyo caalami ah xilliga uu weerarku dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in qiyaastii 32 badmaax laga soo badbaadiyay shilka, halka qaar kale weli la la’yahay. Markabka IRIS Dena ayaa la sheegay inuu ku soo laabanayay Iran kadib markii uu ka qayb galay tababar badeed wadajir ah oo lala yeeshay India.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in aaska askarta dhimatay la qaban doono Arbacada, iyadoo munaasabado baroor-diiq iyo xus loo qaban doono Talaadada si loo maamuuso badmaaxiinta ku dhintay weerarka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.