Abu Ddhabi Oo la Tacaalaysa Dabka ka Dhashay Duqaymaha Drone-ka Iran

Duqeyn ay sameysay diyaarad aan duuliye lahayn ayaa sababtay dab ka kacay goob saliid laga soo saaro oo ku taalla Isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Masuuliyiinta caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi ayaa sheegay in ay la tacaalayaan dab ka dhashay duqeyn ay fulisay diyaaradda ku dhacday goob saliid laga soo saaro meel u dhow.

Wax dhaawac ah lama soo sheegin, sida ay warisay xafiiska warbaahinta Abu Dhabi.

Goobta saliidda ee Shah oil field, oo ku taalla qiyaastii 230 km koonfurta Abu Dhabi, waa mashruuc weyn oo saliid ah oo ay maamusho shirkadda dowladdu leedahay ee Abu Dhabi National Oil Company (ADNOC).

Sida ku qoran boggeeda internetka, goobtan waxay awood u leedahay inay soo saarto 70,000 foosto oo saliid ah maalintii.

Related posts

Ilhan Cumar ”Dagaalka Trump ku Qaaday Iiraan $2 Bilyan ka badan ayaa ku Baxda Maalin kasta”

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Wada-hadal Uu la Yeeshay Dhigiisa Farance

Rag Hubaysan Oo Caawa Weerar ku Dilay Shan Askari Oo ka Tirsan Booliiska Iran.